​Somalia: 20 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Lafoole

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ku qaraxday miino dhulka lagu aasay, waxaana ka dhashay khasaaro xoggan.

Gaariga la qarxiyay ayaa siday 20 qof oo shacab ah sida ay sheegayaan wararka laga helayo mas'uuliyiinta deegaanka Lafoole, waxaana dhammaan dadkaasi ku dhinteen qaraxa Miinada oo ahayd nooca dhulka lagu aaso.

Mas'uuliyiinta degmada Afgooye, oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay baarayaan cidda qaraxa ka dambaysay iyo sababta loo beegsaday dad aan waxba galabsan, iyagoo intaasi raaciyay tacsi ay u direen dhammaan Ehelka dadkii ku waxyeelloobay miinadaasi.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda falkan, balse inta badan waxaa weerarada noocaan ah dalka Soomaaliya ka gaysata ururka Al Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM