Somalia: 5 ciidanka NISA oo ku dhintey weerarka Hotel SYL

Image

MUQDISHU, Somalia- Faah-faahin aan ka helayno qaraxii ka dhacay Hotel SYL magalada Muqdishu, ayaa sheegayaan inuu weerarka hore ku bilowday qarax ka dhashay gaari noociisu yahay Noah laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Qaraxa kadib ayaa wararku sheegayaan in ciidamada Nabad Sugida Somalia NISA oo ku sugnaa bar kontrool nawaaxiga Hotelka, dagaal la galeen 4 kamid ah kooxda weerarkaan soo qaadey kuwasoo rabey iney gudaha u galaan Hotelkaas.

Dagaalkaasi, waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan iyadoo wararku sheegayaan in ciidamada NISA kaga dhimatey 5 Askari halka kooxda dagaal soo qaadey gabi ahaan ay weerarka ku dhinteen iyadoo uu ku jirey qof is-miidaamiyey inta uu dagaalku socdey.

Qarax labaada ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay gaari lagu sii diyaariyay goobta islamarkaana ka buuxeen aaladaha qarxa.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka kooxdaan uu ahaa Hotelka SYL.

Ururka Al- Shabaab ayaa deg deg u sheegetey qaraxaan iyagoo xusey in dagaal-yahandooda gudaha u galeen Hotel SYL.

Dhinaca kale qaraxaan ayaa saameeyey halka la yiraahdo Beerta Nabadda halkaas isugu yimaada maalinta Jimcaha qoysas farabadan oo keensada caruurtooda.

Warar laga helayo saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in qaraxaan guud ahaan ku dhinteen 10 qof oo ay ku jiraan kooxihii weerarka soo qaadey iyo ciidamada amniga ee ka hortagey in kooxdaan gudaha u gasho Hotelka SYL.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhaawacmey dad gaarey a 25 qof kuwasoo ku jiraan dad guryo u dhowaa hotel SYL ku dumeen madaama qaraxaan ahaa mid xoog badan.

Qaraxaan ayaa ahaa kii sadexaad ee ugu xoog bandnaa oo ka dhaca magaalada Muqdishu ( Warshada Haragaha iyo Saamaha, Hotel Al-jazeera iyo SYL).

Hotel SYL ayaa horey weerar ugu soo qaaday kooxda Al-shabaab halkaasoo ku sugnaayeen wufuud hordhac ah ee la soctey madaxweynaha dalka Turkiga.

Garowe Online kala soco wararka ugu dambeeyey qaraxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM