​Somalia: 5 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay nawaaxiga Afgooye

Image

AFGOOYE, Somalia- Qarax lala eegtay baabuur nooca raaxada ah oo marayay nawaaxiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagusoo waramayaa inay ku geeriyoodeen Shan ruux oo ahaa dadkii saarnaa gaariga qarxay.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay GO dhimashada 5 qof oo ahaa askar, kuwaasi oo la socday gaari noociisu yahay  KAARIB, kasoo amba-baxay deegaanka Muuri, kuna sii jeeday degmada Afgooye, oo 30Km u jirta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Gaariga ayaa la sheegay in uu gebi ahaanba ku burburay miinadaas, islamarkaana ay dhinteen dhamaan Dadkii la socday oo ahaa ciidamo katirsan dowladda Federalka Somalia.

Qaraxa ayaa ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Waayo Arag, oo qiyaastii 8Km dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Afgooye, sida goob jooguhu sheegay.

Ma jirto cid sheegtay mas'uuliyadda weerarkaasi, balse qaraxyada caynkan ah waxaa looga bartay inay gobolka Shabeellaha hoose ka fuliyaan kooxda Al Shabaab oo xiriirka la leh Al Qaacida.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM