​Somalia: 5 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay nawaaxiga Afgooye

Image

AFGOOYE, Somalia- Qarax lala eegtay baabuur nooca raaxada ah oo marayay nawaaxiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagusoo waramayaa inay ku geeriyoodeen Shan ruux oo ahaa dadkii saarnaa gaariga qarxay.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay GO dhimashada 5 qof oo ahaa askar, kuwaasi oo la socday gaari noociisu yahay  KAARIB, kasoo amba-baxay deegaanka Muuri, kuna sii jeeday degmada Afgooye, oo 30Km u jirta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Gaariga ayaa la sheegay in uu gebi ahaanba ku burburay miinadaas, islamarkaana ay dhinteen dhamaan Dadkii la socday oo ahaa ciidamo katirsan dowladda Federalka Somalia.

Qaraxa ayaa ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Waayo Arag, oo qiyaastii 8Km dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Afgooye, sida goob jooguhu sheegay.

Ma jirto cid sheegtay mas'uuliyadda weerarkaasi, balse qaraxyada caynkan ah waxaa looga bartay inay gobolka Shabeellaha hoose ka fuliyaan kooxda Al Shabaab oo xiriirka la leh Al Qaacida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM