​Somalia: Al-Shabaab oo dad ku afduubtay Gedo

Image

Mallayshiyaad la rumaysanyahay inay katirsanyihiin kooxda Al-Shabaab, ayaa afar qof oo rayid ah ka afduubtay inta u dhaxeysa degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobbolka Gedo.

Dadka la afduubtay waxaa ku jira madaxii qeybta caafimaadka ee hay'adda Laanqayrta Cas ee Gedo, Aadan Cabdi Aadan iyo shaqaale kale oo caafimaad, siday noo xaqiiyeen goob joogayaal kusugan degmada Baardheere.

Dadkaan la afduubtay oo kasoo amba baxay degmada Baardheere iyagoo ku sii jeeday degmada Ceelwaaq, waxaana markii ay marayeen Deegaanka Sadiima oo 70 u jira degmada Baardheere joojiyay maleeshiyaad wajiyada soo duubtay.

Ilaa hadda lama oga halka dadkaasi lala aaday mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Afduubka, balse waxaa falalkan oo kale Somalia ka gaysta ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM