Somalia: Al-Shabaab oo dib u qabsatey magaalada Marka

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarrunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dib u qabsadeen magaalada Marka duhurkii maanta.

Dagaal muddo kooban socday ayuu duleedka magaalada ku dhex maray ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo kooxda al-Shabaab. Illaa iyo hadda lama yaqaan qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi uu dhaliyay.

Arrintani, ayaa waxay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay saaka magaalada ka saareen kooxdii al-Shabaab oo habeen hore dagaal la'aan ku gashay magaalada, markii ay isaga baxeen magaaladaasi ciidamadii AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa VOA u sheegay in dagaal muddo kooban uu dhex maray mar kale al-Shabaab iyo ciidamadii dowladda ee magaalada saaka galay, kuwaas oo markii dambe magaalada ka baxay.

Hadda, waxa magaalada ku sugan kooxda al-Shabaab, siday dadku sheegayaan.

Dagaalladan dhacayay, ayaa la sheegay in aan haba yaraatee ku lug laheyn ciidamada AMISOM, waxana wararka aynu heleyno ay sheegayaan in ay ciidamada AMISOM ee Marka ka baxay habeen hore ay degeen xerrada Ayuub oo duleedka magaalada Marko ah.

Qabsashadaan dambe ayaa timid kadib markii maanta Wasiirka Gashaandhiga iyo Warfaafinta Somalia warsaxafdeed ay qabteen ku sheegeen in ciidamada dowlada Federaalka dib u qabsadeen magaalada Marka xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

VOA+GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM