Somalia: Al-Shabaab oo weerartay Shalanbood Shabeellaha hoose

Image

Mallayshiyaad ka  tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Shalanbood ee gobolka Shabeellaha dhexe iyagoo gacanta ku hayay muddo kooban.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM, ayaa markii dambe la wareegay iyagoo iska caabin kala kulmay kooxdaasi.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay isku dhaca labada dhinac, laakiin lama hayo xaqiiqada rasmiga ah ee khasaaraha dagaalka.

Weerarkan, ayaa daba socda dagaallo joogta ah oo kooxda Shabaab ku doonayso inay kula wareegto meelaha ay dowladdu maamusho, waxaana dhawr jeer oo hore gobolka ka dhacay dagaallo kala duwan oo labada dhinac u dhaxeeyay.

Gudoomiyaha degmada Shalanbood oo weerarka ka hadlay, ayaa sheegay in xaaladdu dagantahay islamarkaana gacanta ku hayaan degmada, isagoo sheegay inay maamulkiisa ka go'antahay qaabkii gobolka looga saari lahaa mallayshiyaadka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM