Somalia: Al-Shabaab oo weerartay saldhig ciidan gobolka Gedo

Image

15 January, 2016(GO)-Mallayshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig ciidamada Kenya kuleeyihiin deegaanka Ceelcade oo katirsan gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Weerarka oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga buuxiyay ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay ciidamo katirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM, waxaan falkaas sheegatay ururka Al-Shabaab oo bar ay ku leeyihiin Internet-ka ku faafiyay inay dileen 63 katirsan Millatiriga dalkaasi.

Afhayeen u hadlay xarakada oo lagu magacaabo Sheekh Cabdul Casiis abu Muscab ayaa tilmaamay in weerarkaasi ugu magac dareen nin kasoo jeeday dalka Kenya oo la dilay sannadkii 2009 Saalax Nabhaan.

Majirto ilaa hadda tafasiil kasoo baxday dhinac dowladda Somalia iyo dalka Kenya, balse dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalku xooggana, islamarkaana qaraxa gaariga kadib boqolaal katirsan ururka Al-Shabaab xerada ciidamada kasoo weerareen jihooyin kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daray in kooxda gacanta ku dhigeen deegaanka calankoodana ka taagteen islamarkaana qaateen saanad millatari oo xerada ku jiray, waxaana warar aan si madax banaan loo xaqiijin tibaaxayaan inay nawaaxiga Ceelcadde dul heehaabayaan diyaaraha Helicopters ah kuwaas baadi doonaya ciidamo Kenyan ah firxad ugu maqan duurka.

Weerarkan ayaa la cayn ah kuwa xarakada Al-Shabaab la beegsadeen saldhigyo Miletari oo ku yaalla Koonfurta Somalia bilihii Jun iyo September ee sannadkii hore, wuxuuna falka maanta kusoo beegmay xilli dhawaan magalada Kismayo gaareen ciidamo katirsan kuwa Ethopia oo la sheegay inay qayb ka qaadanayaa howlgal ururka Al-Shabaab looga sifeynayo goobaha ay maamulaan weli.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM