​Somalia: Arday imtixaan u fariistay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta qaybo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Somalia gaar ahaan Muqdishu, Kismayo iyo Baydhabo ka furmay imtixaanka shahaadiga ee fasallada sideedaad dugsiga dhexe iyo Afraad dugsiga sare, waxaa sidoo kale soo saaracay jaamacadah dalka qaybtood.

Imtixaankan ayaa dowladda Federalka Somalia ugu yeertay imtixaanka midaysan ee shahaadiga ah, balse waxa jira maamullo horay u qaaday iyo kuwa kale oo maanta u furmay balse ka madax bannaan kan dowladda Somalia.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Somalia, ayaa booqday xarumo imtixaanka lagu qaadayay gaar ahaan jaamacadda Ummadda, waxaana tagay Ra'isal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia iyo wasiir dowlaha wasaaradda waxbarashada.

Waxay kormeer ku sameeyeen fasallo imtixaanka lagu qaadayay iyagoo ardayda qaybtood u qaybiyay imtixaanka, waxay u rajeeyeen guul iyo hormar.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Bile Nuur oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu sanadkii labaad ay qaadayso imtixaanka shahaadiga ah, isagoo intaas ku daray inay ka bilaabatay guud ahaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya Maxamed Cumar Carte,  ayaa tilmaamay inay tahay wax lagu farxo in ardayda dugsiyada sare iminka u fariistaan imtixaanka shahaadiga ah, wuxuuna ardayda kula dar daarmay inay ku dadaalaan cilmiga oo ay ka gaaraan heer sare, maadaama ay yihiin mustaqbalka naftooda iyo dalkaba.

“Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa waalidka oo runti ku dhiiraday kuna booriyay carruurtoda iney timaado kana qeyb qaadato marka iyagana waxaan lee yahay ilaahey haka dhigo carruurto kuwii dadkooda diintoda iyo dalkooda anfaca oo Run ahaanti noqdo Mustaqbalka aynu dooneyno,”Ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Cumar Carte.

19,112 arday (Sagaal iyo toban kun, boqol, toban iyo labo arday) ayaa maanta u fadhiisatay guud ahaan imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Federalka qaadayso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM