Galmudug oo badashey qodob lagu muransanaa [Dhageyso]

Image

July 28,2015 (GO)- Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug oo la hadley saxaafada ayaa sheegey iney wax ka badaleen qodob ka hadalyey xuduudka ay maamulkaas la leeyihiin dowlada Puntland kasoo abuuray khilaaf siyaasdeed.

Cali Casir Gacal ayaa sheegey in qodobkaan laga dhigey in maamulka Galmudug dhinaca Woqooyi ka xigo dowlada Puntland, Galbeedka ka xigo dalka Ethiopia, jiho barina ka xigto badweynta Hindiya halka Koonfurta uu xuduud kala leeyahay gobolka Hiraan.

Gudoonka Baarlamanka oo la hadlay BBC-da ayaa yiri “qodobkaas laga doodayay wuxuu ahaa qodobka labaad farqadiisa afaraad oo ku saabsan xuduudka dowlad goboleedka Galmudug inay markii hore ahaa gobolka Nugaal, haatan waxaa lagu bedelay xuduudu inay tahay dhanka Woqooyi ee dowladda Puntland”

Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug oo wax laga weydiiyey in taas macanaheedu tahay in maamulkaan noqonayo mid ka kooban gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Galkacayo ayaa diidey isagoo xusey in xuduudkoodu yahay midkii dowlada dhexe ee Somalia calaamadeysay.

Casir ayaa sheegey in Koonfurta magaalada Galkacyo iyo Woqooyiga Galkacayo noqonayso ka tirsan maamulka Galmudug isaga oo meesha ka saarey aragtida sheegeysa gobol iyo Bar.

Wax ka badalida qodobkaan Dastuurka ayaa waxaa mamaulkaan cadaadis ku saarey dowlada Federaalka iyo beesha caalamka balse sida muuqata Barlamanka Galmudug ayaa wax ka badalin sheegashada Woqooyiga Galkacayo.

Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug ayaa ka codsadey dowlada Puntland dhameyso khilaafka u dhexeeya islamarkana aqoonsato maamulkiisa.

Madaxweynaha dowlada Federaalka oo magaalada Kismayo booqasho ku tagey ayaa ku guuldareystey in maamulka Jubaland ku qanciyo ka qayb galka shir uu qorsheynayo inuu magaalada Muqdisho ugu qabto dowladaha qaybta ka ah dowlada Federaalka.

Dowlada Puntland ayaa horey u qaadacdey ka qayb galka kulanka Muqdisho halka ganafka ku dhufatey aqoonsiga maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM