Somalia: ​Boliiska Banaadir oo sheegay inay hayaan kooxo dil gaystay

Image

MUQDISHU- Taliska qaybta Boliiska gobolka Banaad ayaa maanta shaaciyay inay gacanta kusoo dhigeen dhagar qabaal ka dambeeyay dilaal ka dhacay magalada Muqdishu inta u dhaxaysa 15 bishan ilaa saaka oo la dilay labo dumar ah.

Cali Xirsi Barre "Cali Gaab", taliyaha qaybta boliiska gobolka Banaadir, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay qabteen dadkii ka dambeeyay weerar lagu qaaday gabdho walaalo ah xilli saaka u socdeen waxbarasho iyo haweenay da'a ah oo xalay gurigeeda lagu dhex dilay.

Cali Gaab, ayaa xusay inay raggaasi qaybtood falka u gaysteen ula kac baaritaanna lagu samaynayo, halka kuwa kale uu sheegay in qasdigoodu ahaa inay dhacaan Bajaaj, balse weerarkaasi ku dileen gabar lagu magacaabi Jiray Fowsiyo Jamaal Xasan islamarkaana dhaawaceen Shankaroon Jamaal Xasan iyo wadihii gaadiidkaasi.

Taliyaha ayaa xusay inay dhammaan dadka lasoo qabtay sharciga horgayn doonaan maalmaha soo socda, isagoona xusay inay habeen iyo maalin shaqaynayaan ciidamada nabad galyada gobolka Banaadir.

Arrintan, ayaa kusoo beegantay xilli caasumadda Somalia, kusoo badanayaan weerarada loo gaysto dadka shacabka iyo mas'uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Somalia, waxaana inta badan falalkaasi fuliya mallayshiyaadka ururka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM