Afgooye: booliska oo xir-xiray dad lala xiriirinayo Al-shabab

Image

June 28, 2015 (GO)- Booliska ayaa hawlgal dad badan lagu soo qabqabtey ka sameeyey degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Booliska Afgooye Amiin Maxamed Cismaan ayaa sheegay in hawlgal baaritaan ah habeennimadii xalay laga sameeyey xaafadaha Xaawo Taako iyo Dhagaxtuur.

Dad dhalliyaro u badan oo tiradoodu soddon qof gaareyso ayuu sheegay in gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo xilligan baaritaan lagu wado.

Taliye Amiin ayaa xusay in dadka lasoo xirxiray ay ku jiraan qaar lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa weerar ay todobaadkii hore kusoo qaadday fariisin ciidamada Dowladda Federaalku ku leeyihiin Afgooye, waxay ku dishay ku dhowaad shan iyo toban askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM