Afgooye: booliska oo xir-xiray dad lala xiriirinayo Al-shabab

Image

June 28, 2015 (GO)- Booliska ayaa hawlgal dad badan lagu soo qabqabtey ka sameeyey degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Booliska Afgooye Amiin Maxamed Cismaan ayaa sheegay in hawlgal baaritaan ah habeennimadii xalay laga sameeyey xaafadaha Xaawo Taako iyo Dhagaxtuur.

Dad dhalliyaro u badan oo tiradoodu soddon qof gaareyso ayuu sheegay in gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo xilligan baaritaan lagu wado.

Taliye Amiin ayaa xusay in dadka lasoo xirxiray ay ku jiraan qaar lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa weerar ay todobaadkii hore kusoo qaadday fariisin ciidamada Dowladda Federaalku ku leeyihiin Afgooye, waxay ku dishay ku dhowaad shan iyo toban askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM