Somalia: Boqolaal ka barakcday gobalka Bay

Image

Boqolaal qoys oo ka soo barakacay jiidaha colaadu ka jirto ee gobolka Bay ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Qoysaskan ayaa intooda badan ka soo qaxay degmada Diinsoor iyo tuulooyinka hoos yimaada kadib markii ciidamada dawladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ay qaadeen howgal miltari oo ka dhan ah kooxda islaamiga ah ee Alshabaab oo gacanta ku haysa magaalada Diinsoor.

Gudoomiyaha gobolka Bay Cabdirashiid Cali Maxamed ayaa sheegay in ay filayaan in qoysas intaa ka badan ay saacadaha iyo maalmaha soo socda filayaan in ay soo gaaran Baydhabo, wuxuuna ku baaqay in loo gurmado dadkaasi.

Kol hore, Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom ayaa sheegay in ay bilaabeen weerar cusub oo ay ku qaadayaan Alshabaab.

Waxay sheegeen in Alshabaab laga bixinayo degmooyinka ay haystaan ee Gedo iyo Bay, si loo helo jid ammaan ah oo gargaarka la marsiiyo.

Xigasho: BBC

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM