​Somalia: Burcad laga soo furtay gabar u dhalatay Kenya

Image

CADAADO, Somalia- Galmudug ayaa sheegtay inay xoog kusoo badbaadisay Gabar u dhalatay dalka Kenya oo mudo ka badan 3 sano Burcad-badeed ku haysatay koonfurta gobolka Mudug.

Louis Njoki, oo ah gabadha lasoo badbaadiyay ayaa waxaa lagu hayaa magaalada Cadaado, halkaasi oo lagu baarayo xaaladeeda caafimaad, kahor inta aan dalkeeda loo duulin.

Andrew Mwangura, oo ah agaasiimaha hay'ada badmareenada geeska Africa ayaa sheegay in Louis Njoki lagu soo furtay howlgal aad loo qorsheeyay, oo ay fuliyeen ciidamada Galmudug.

Louis Njoki, ayaa lagu afduubey Somalia 2014, iyada iyo qof kale oo lagu magacaabo James Kuria xilli ay howlo samafal caafimaad ka samayanayeen Gobolka Mudug.

James Kuria, ayaa lasoo badbaadiyay Bishii February, 2015.

Wararka ayaa sheegaya in gacanta Burcada ku jirto Labo muwaadin oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo la afduubay 2014.

Wargeyska the Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in George Mburu and George Macharia lagu qafaashay Muqdishu, iyagoo la shaqeynaya Shirkad Dhismo.

Muwaadiniin Kenyan ah ayaa la sheegay in lagu haysto magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana ay burbad-badeeda dalbanayaan lacag madax-furasho ah.

On October 24, Burcad-badeeda ayaa soo daayay 26 badmaaxiyaal oo kasoo jeeda Qaarada Asia, kuwaasi oo mudo ku dhaw 5 sano ah ku afduubnaa gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM