​Somalia: Buuq hareeyay kulankii Barlamanka

Image

MUQDISHU-Kulankii golaha Barlamanka Somalia ee maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdishu, ayaa kusoo gaba-gaboobay buuq iyo sawaxan ka dhashay ajandayaashii loo ballamay qaybtood oo qabsoomi waayay.

Fadhiga Xildhibaanada ayaa loo madlanaa inay horyimaadaan Wasiirka Amniga Somalia iyo Taliyaasha Nabadsugidda iyo Boliiska, waxaan waraaq uu mudanayaasha u akhriyay gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka ku xusnaa cududaar kayimi wasiirka Amniga oo sheegay inuusan imaan karin madasha ilaa laga gaarayo 25 bishan oo ah xilliga fadhiga Barlamanku soo xirmayo. 

Mas'uuliyiinta loo yeeray, ayaa wax laga weydiin lahaa waxyaabo khuseeya xasaanadda mudanayaasha iyo amniga guud ee dalka.

Balse, baaqashada wasiirka Amniga ayaa keentay inay buuqaan Xildhibaanada kuwaasi oo diiday inay guda galaan ajandayaasha kale inta laga helayo mas'uuliyiinta loo yeeray, iyagoo gudoonka Barlamanka ku eedeeyay inuu uga baxay ballan. 

Uga dambayn xalka ayaa noqday in lagu kala tago madasha, mana jirto cid faahfaahin kabixisay qorshaha laga yeeli doono arrintan, waxaana mudanayaashu u muuqdeen kuwo usoo diyaar garoobay su'aalo la weediyo wasiirka iyo taliyaasha. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM