Somalia: Ciidamada AMISOM oo qabsadey Degmada Janaale

Image

MUQDISHO, Somalia- Ciidamada ka tirsan hawlgalka Amisom ee jooga Soomaaliya ayaa saakay galay magaalada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose, kadib markii ay Alshabaab ka tageen markii ciidamada ay u soo dhawaadeen magaalada.

Ciidamada Amisom ayaa dhowrkii maalmood ku dhawaanayay Janaale oo ay sanadkii hore isaga baxeen, kadib markii ay weerareen Alshabaab xero ay ku lahaayeen Janaale ciidamada Uganda. 

Lama sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay qabashada Amisom ee Janaale. Dhinaca kale, ciidamo aan la aqoonsan oo wata dhowr diyaaradood ayaa xalay saqdii dhexe hawlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Beerxaano. 

Deegaanka Beerxaano ayaa qiyaastiii konton kilometer u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose waxaana haysata Alshabaab.

BBC

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM