​Somalia: Ciidanka oo deegaano cusub la wareegay

Image

JOWHAR- Ciidamada dowladda Somalia oo hogaamiyaan saraakiil sar sare ayaa maanta u suuro gashay inay dib ula wareegaan deegaano ay faarujiyeen markii kooxda Shabaab weerar ku qaaday saldhigooda Ruun-Nirgood gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanada ilaa hadda gacanta lagu dhigay oo lagu kala magacaabo; Maxaa-saciid, Nuur Dugle, Cad-cadey, Cadaan-laxey iyo Wargaadhi.

Wax dagaal ah kama dhicin meelaha ciidamadu la wareegeen, waxaana socda howlgallo looga soo horjeedo kooxda Shabaab.

Dhinaca kale waxaa iyaguna dhaq-dhaqaayo ciidan ka wada nawaaxiga deegaanka Ruun-Nirgood mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab, waxaana lagusoo waramayaa in ciidamada dowladdu ku wajahyihiin deegaankaasi oo sabtidii lagu qabsaday dagaal xooggan.

Ciidamo xooggan ayaa gobolka lasoo gaarsiiyay, waxaana dowladdu sheegtay inay gobolka kasaari doonaan Shabaab iyagoo kaashanaya AMISOM.

Dagaalladan ayaa saameeyay dadka shacabka ah, waxaana lagu barakacay goobo badan oo kamid ah gobolkaasi, halka kuwa kale lagu soo sheegayo go'doon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM