Somalia: Culimada oo si adag u hadashay Qoondada haweenka

Image

MUQDISHU, Somalia- Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed, ayaa kasoo horjeestay Qoondada Haweenka laga siinayo Baarlamaanka iyo Xukuumada lasoo dhisayo dabayaaqada sannadka 2016.

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdishu, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha hay’addaasi ayaa ka digay hirgelinta Qoondada Haweenka.

Wuxuu sheegay in dumarku oo laga qeybgeliyo Siyaasada iyo Hogaanka dalka ay tahay mid kasoo horjeeda Sharciga Islaamka, islamarkaana ay xambaarsan tahay Rabitaanka Reer Galbeedka.

"Waan ka digaynaa Qoonadad Haweenka, maxaa yeelay ma ahan Barnaamij iyo Feker Soomaali leedahay, ee waa Barnaamij meelo kale ka yimid, Diin kale iyo Dhaqan kale ayuu xambaarsan yahay, wuxuuna ka tarjumayaa Duruufo kale oo mida Somalia ahayn," Ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Majmaca, ayaa ugu baaqay Haweenka inay ilaaliyaan ku Dhaqanka Diinta Islaamka, islamarkaana ay joojiyaan inay dalka kusoo hogaamiyaan dhaqan laga soo min-guuriyay dalal aan Muslim ahayn.

"Qaranimada Somalia waxaa burburiyay Qabiil, Maantana waxaa la burburinayaa waa Qoyskeena, oo lagu burburinayo Qoondo Haween," Ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekha oo sii hadlayay ayaa yiri,"Umada Qarankeeda la burburiyay oo wali dib usoo kaban, hadana Qoyskooda la burburinayo maxaa u haraya".

Hadalka Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed, ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladaha Reer Galbeedku wadaan qorsho ah in Haweenka laga qeybgeliyo Dowladda, lana siiyo 30% kuraasta Barlamanka.

Wixii intaas ka dambeeyay, waxaa dumarku xusul duub ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen ballanqaadka loo sameeyay iyadoo guddiyada doorashada dadban ee Heer Federalka iyo maamul goboleed ku wargaliyeen odoyaasha dhaqanka in dumarka la tixgaliyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL UU SHIIKHU UGA HADLAYO QONDADA HAWEENKA 

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM