Cumar Cabdirashid oo difaacey nidaamka 4.5

Image

MUQDISHU- Kadib marki ay qaadaceen Puntland iyo Somaliland go'aankii kasoo baxay shirki madasha wadatashiga qaran ee ahaa in habka lagu soo dhisayo dowlada soo aadan ee Somalia sanadkan 2016 ayaa marki ugu horeeysay waxaa arrintaasi difaacay Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid.

Wareysi uu siiyey saakay VOA Somali ayuu Cumar Cabdirashiid ku sheegay in markii ay dhan walba ka eegeen xaaladda uu hadda dalku marayo ay go'aansadeen in la raaco habka 4.5 oo lagu soo dhisi doono awood qeybsiga Baarlamaanka, halka aqalka sare uu noqon doono mid loo qeybin doono maamul goboleedyada.

"Waxaan anaga ka dowladda dhexe ahaan is tusnay in hadii maamul lagu saleeyo awood qeybsiga xukuumada soo aadan ay keeni doonto xasilooni darro hor leh, ma dooneyno in dalka aan ka dhigno sida Ciraq ama Afghanstan, sababta ugu weyn ayaa ah in aysan jirin wax tira koob ah oo laga sameyey dalka.” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha.

Mar wax laga weydiyey qaadacaada Puntland ee go'aankii shirka wadatashiga ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in aanan la horseedin xasilooni darro dalka ka dhacdo xilligaana aysan muhiim aheyn in dalka awooda lagu qeybsado deegaan.

Cumar Cabdirashid oo kasoo jeeda degaanka Puntland ayaa xafiiska Ra'isal wasaaraha ee uu hadda hayo ku jooga nidaamka awood qaybsi ee ka jira Somalia.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA RW CUMAR CABDIRASHID

GAROWEONLINE + VOA

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM