​Somalia: Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay Hiiraan

Image

BULO BURDE, Somalia- Ugu yaraan hal Askari ayaa ku geeriyooday, labo kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Somalia iyo mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Xamiir-gaab, oo qiyaastii 30KM u jiro degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay maamulaan ciidamada DFS iyo kuwa dalka Djibouti, oo qeyb ka ah hwolgalka AMISOM.

Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegaya in Al Shabaab ay weerareen Kolonyo gaadiid military ah, oo marayay deegaanka Xamiir-gaab kuna sii jeeday degmada Jalalaqsi.

Dagaal toos ah oo qaatey saacado ayaa labada dhinac ku dhexmaray goobtaas, iyadoo markii danbe ay maleeshiyada Al Shabaab dib loo riixay, sida ay GO u xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidamada Somalia.

Kooxda Al shabaab ayaa dagaalkeeda u waacisay mid ku dhufo ka dhaqaaq ah, markii laga saarey dhowr magaalo, laguna jebiyay dagaalka ka socdo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Somalia.

Majirto ilaa hadda cid katirsan labada dhinac oo si rasmi ah uga warantay dagaalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM