​Somalia: Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay Hiiraan

Image

BULO BURDE, Somalia- Ugu yaraan hal Askari ayaa ku geeriyooday, labo kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Somalia iyo mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Xamiir-gaab, oo qiyaastii 30KM u jiro degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay maamulaan ciidamada DFS iyo kuwa dalka Djibouti, oo qeyb ka ah hwolgalka AMISOM.

Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegaya in Al Shabaab ay weerareen Kolonyo gaadiid military ah, oo marayay deegaanka Xamiir-gaab kuna sii jeeday degmada Jalalaqsi.

Dagaal toos ah oo qaatey saacado ayaa labada dhinac ku dhexmaray goobtaas, iyadoo markii danbe ay maleeshiyada Al Shabaab dib loo riixay, sida ay GO u xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidamada Somalia.

Kooxda Al shabaab ayaa dagaalkeeda u waacisay mid ku dhufo ka dhaqaaq ah, markii laga saarey dhowr magaalo, laguna jebiyay dagaalka ka socdo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Somalia.

Majirto ilaa hadda cid katirsan labada dhinac oo si rasmi ah uga warantay dagaalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM