Somalia: Dibad baxyo ka dhacey magaalada Baladweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia -- Banaanbax looga soo horjeedo  dowladda federaalka ah ee Somalia, ayaa maanta wuxuu ka dhacay magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dibadbaxa oo ay ka qeyb galeen boqolaal, ayaa waxaa looga soo horjeeday qorshaha dowladda Somalia iyo IGAD ee maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.  

Odayaal dhaqan, siyaasiyiin, waxgarad, xildhibaanno hore iyo haween ayaa ka qeybgalay dibadbaxa Beledweyne, oo ah kii Labaad oo mudo todobaad ah ka dhaca magaaladaasi. 

"Boqolaal dadweyne kala duwan ayaa maanta isaga soo baxay wadooyinka Beledweyne, kuwaasi oo watay boorar ku qoran yihiin erayo ka dhan ah dowladda Somalia iyo IGAD," ayuu yiri qof kamid ah dibadbaxiyasha oo la hadlay GO.  

Odayaasha  soo abaabulay dibadbaxa ayaa waxay sheegeen in reer Hiiraan ay kasoo horjeedaan maamulka lagu dhisayo Jowhar, kaasi oo ay ku tilmaameen mid iska horkeenayo shacabka labada gobol.  

Dibadbaxa Beledweyne, ayaa kusoo beegmayo xilli dowladda Federaalka Somalia iyo IGAD ay wadaan qorsho dib loogu furayo shirka Jowhar, ee maamulka loogu samaynayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo tan iyo horaantii sanadkan Khilaaf uu hareeyay. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM