​Somalia: Dowladda oo Cadaysay Shilka Daalo

Image

MUQDISHU-Xukuumadda Somalia ayaa iclaamisay natiijo hordhac ah oo ku saabsan shilka diyaaradda Daalo, kadib shir jaraa'id oo ku qabtay Muqdishu, wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Cali Axmed Jaamac "Jangali".

Jangeli, ayaa sheegay in waxa ka dhacay diyaaradda ahaayeen qarax si ula-kac ah loo geliyay, isagoo tilmaamay in ciidamada ammaanka Somalia falkaas usoo qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen Bambaano uu xusay inay diyaaradda ku qaraxday. 

Wasiirka ayaa cadeeyay in baritaanka shilkaas gacan ka geysteen khubaro Somalia iyo ajnabi isug jirta, gaar ahaan wuxuu xusay inay taageereen sirdoonka dalka Maraykanka. Wuxuu sheegay inuu socdo baritaanku, isagoo ka gaabsaday inuu faah-faahsho tirada dadka la xiray iyo qaabka diyaaradda looga galiyay bamka. 

Arrintan, ayaa soo baxday xilli horay tuhun looga muujiyay shilka diyaaradda Daalo inay ku lug leeyihiin ururka Al-Shabaab, waxaana Talaadadii lasoo dhaafay 02 bisha Febraayo, shil soo wajahay diyaaradda oo ku jirtay safar ay ugu socotay dalka Jabuti, iyadoo ka duushay Muqdishu, waxaana saarnaa in kabadan 70 ruux. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM