​Somalia: Dowladda oo fasaxday shaqaalaha

Image

MUQDISHU- Xukuumadda Somalia, ayaa sheegtay in muddo dhan labo bari la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda, maadaama maanta ku beegantahay maalinta loo asteeyay shaqaalaha Addunka oo sannad walba la xuso 1 May.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Cusmaan Libaax Ibraahim, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in la fasaxay qof kasta oo shaqo qaran u hayay ummadda Somalia, si loo weyneeyo maalintan oo uu ku tilmaamay in muhiimad gooni ah ugu fadhido dowladda Somaliyeed.

“Shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dowliga laheyn labo maalmood ayaa la fasaxay, maadaama maanta ay tahay maalinta loo asteeyay shaqaalaha adduunka, shaqaale kasta oo Soomaaliyeed xuquuq gaar ah ayuu leeyahya,”Ayuu yiri lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dalka Cusmaan Libaax.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Somaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay ka qayb qaataan xuska maalinta islamarkaan noqdaan kuwii dalka iyo dadkaba hormar gaarsiiya.

Meelo badan oo Somalia, kamid ah ayaa la filayaa in lagu qabto munaasabado kala duwan oo kor loogu qaadayo maalinta caalamiga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM