​Somalia: Dowladda oo ka hadashay weerarka Awdheegle

Image

Wararka sheegaya in ciidamada dowladda Somalia fuliyeen weerarkii dhacay habeenkii Talaadada degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha hoose, waxaa xaqiijiyay taliska ciidanka xoogga dalka Somalia iyagoo sheegay in lagu dilay sarkaallo sare oo katirsan kooxda.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Somalia Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo la hadlay VOA, ayaa xaqiijiyay in dagaalka wada galen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Somalia isagoo xusay inay taageero ka helayeen kuwa Maraykanka.

Cali Baashi, ayaa xusay inay dileen xubno sar-sare oo katirsan kooxda Shabaab, wuxuuna intaasi raaciyay inay dileen dagaal-yahanno kale oo maydkooda goobta uga soo tageen.

Abaanduuluhu, wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Somalia u tababaranyihiin howlgalladan oo kale isagoo qeexay inay tasiilaad kala duwan ka helaan dowladda Maraykanka.

Ilaa hadda majirto tirada rasmiga ah ee weerarka ku dhimatay, balse sarkaal dowladda katirsan aya sheegay inay dileen ku dhawaan 15 katirsan kooxda Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM