​Somalia: Faruq oo soo dhaweyay xilka loo xukumay

Image

MUQDISHU- Maxkamadda Sare Somalia,  ayaan go'aan rasmi ah ka gaartay muran muddo dheer soo taagnaa kaasoo salka ku haya cidda xoghaye u ah ururka saxafiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ. 

Dacwad ay qaaday maxkamaddu, waxay ku go'aamisay in xoghaya ururka sharci ahaan yahay Cumar Faruq Cusman, iyadoo sharci darro ku tilmaamtay tallaabada xilka looga qaaday sannadkii 2011, ee booskaas loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Isaaq (Pakistan).  

Haddaba Arrintaasi waxaa Radio Garowe, waxa ka weydiisay Cumar Faruq isagoo soo dhaweyay tallaabada maxkamaddu qaaday, kuna sifeeyay mid dan u horseedaya saxaafadda Somalida, wuxuuna tilmaamay inay bilaabayaan shaqadooda.  

Xeerka Warbaahinta Somaliyeed, ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna xusay in qodobo kamid ah caqabad ku yihiin jiritaanka saxaafiyiinta, maadamada sida u carrabka ku dhuftay ku tumanayo xuquuqda wariyaasha ku shaqeeya marxaladda adag.  

Dhanka kale, xiriir aan la samaynay Pakistan ayuu ku sheegay inuusan sharci ahayn go'aanka maxkamadda, wuxuuna tilmaamay in magalada Muqdishu laga qorshaynayo kulan arrinkaas looga soo horjeedsanayo, taas oo ay wadaan Wariyaasha ku dhaqan xarunta Somalia ee Xamar.  

Wasaaradda warfaafinta Somalia, weli kama hadlin go'aanka maxkamadda Somalia.  

Arrintan ayaa soo baxday xilli dhawaan la sameeyay sharci hagaya saxaafaadda Somaliyeed, waxaana tallaabadan saamaynayaa labada garab ee wada sheeganaya xilka Xoghaya ururka NUSOJ.  

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM