​Somalia: Gudoomiyaha Barawe oo dhaawacmay

Image

BARAWE- Gudoomiyaha degmada Baraawe gobolka Shabeellaha hoose Xuseen Barre Maxamed "Jeex", ayaa qaba dhaawac fudud oo kasoo gaaray bam gacmeed lakala saari waayay in dhulka lagu aasay iyo in lasoo tuuray.

Jeex, ayaa xilliga uu dhaawacmay kusugnaa xafiiskiisa shaqada, waxaana soo  baxay warar iskhilaafsan oo ku aaddan qaabka falkaasi u dhacay

Sarkaal dhinac amniga qaabilsan oo kusugan degmada Baraawe, ayaa sheegaya in bamka lagasoo tuuray dabaq, wuxuuna xusay in gacanta lagu hayo shakhsigii falkaasi gaystay kaasoo hadda ku xiran xabsi ku yaalla degma xeebta dhacda gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan, ayaa yimi xilli socdaan baaritaano ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, kawadaan degmadan oo mudooyinkii dambe ku jirtay gacanta dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM