Gudoomiye Ku-xigeenka Gedo oo Weerar ka Bad-baaday

Image

BAARDHEERE- Wararka aan ka helayno degmada Baar-dheere gobolka Gedo Somalia ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday qarax gaari lagu xiray ka bad-baaday gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Shiikh Yuusuf Maxamed(Al-qaadi). 

Al-qaadi oo qaba dhawac fudud ayaa sheegay in qaraxan gaarigiisa loogu xiray, islamarkaana uu qarxay xilli uu ku socday xaafiiskiisa shaqada, wuxuuna tilmaamay inuu wehliyay qof ka mid ah ilaaladiisa. 

Shakhsiyaadka falkaas ka dambeeyay ayuu gudoomiyuhu xusay inay gacanta kusoo dhigi doonaan dadka falkaasi lagu tuhmayo, wuxuuna cadeyay in baaritaanka ka qayb qaadan doonaan ciidamo katirsan AMISOM.

Falkan ayaa yimid kadib markii dhawaan kooxo hubeeysan magaalada Baardheere ku dhaawaceen gudoomiyihii maxkamadda degmadaasi. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM