​Somalia: Horjoogayaal katirsan Shabaab oo duqayn lagu dilay

Image

TOORATOOROW, Somalia- Ciidamo katirsan kumaandooska dowladda Somalia iyo Mareykanka ayaa howlgal military ka fuliyay deegaanka Tooratoorow, ee gobolka Shabeellada hoose oo ay maamusho Kooxd Al Shabaab.

Ciidankan ayaa kasoo baxay saldhig ciidamada Somalia ku leeyihiin deegaanka Balli-doogle.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa GO u xaqiijiyay in dagaal xoog leh uu ka dhacay halkaasi, markii ay weerar ku qaadeen ciidamada DANAB, oo ay wehliyaan Militariga Mareykanka oo Diyaarado la socday.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada huwanta ah ay la kulmeen Iska-caabin xooggan, kadibna ay duqeyn ka geesteen deegaanka, oo la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyaal sare oo katirsan Al Shabaab.

Tooratoorow, oo qiyaastii 110KM uga beegan dhanka Galbeed magaalada Muqdishu ayaa waxaa duqeeyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka, kadib iska horimaad  mudo saacad dhexmarayay ciidamada dowladda iyo kooxda Al Shabaab

Dadka deegaanka waxay sheegeen in 3 hogaamiye oo kamid ah Al Shabaab lagu dilay weerarkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in  labo Gantaal lagu dhuftay guri ay daganaayeen horjoogayashan oo aan wali la shaacin darjadooda iyo waxyaabaha ay qaabilsanaayeen.

Muddooyinkii dambe waxaa Koonfurta Somalia ka dhacayay duqaymo iyo howlgallo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa kasocda dalka Maraykanka, waxaana inta badal lala eegtaa goobo qorshaysan oo ay ku suganyihiin horjoogayaal katirsan xarakada Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM