​Somalia: Horjoogayaal katirsan Shabaab oo duqayn lagu dilay

Image

TOORATOOROW, Somalia- Ciidamo katirsan kumaandooska dowladda Somalia iyo Mareykanka ayaa howlgal military ka fuliyay deegaanka Tooratoorow, ee gobolka Shabeellada hoose oo ay maamusho Kooxd Al Shabaab.

Ciidankan ayaa kasoo baxay saldhig ciidamada Somalia ku leeyihiin deegaanka Balli-doogle.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa GO u xaqiijiyay in dagaal xoog leh uu ka dhacay halkaasi, markii ay weerar ku qaadeen ciidamada DANAB, oo ay wehliyaan Militariga Mareykanka oo Diyaarado la socday.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada huwanta ah ay la kulmeen Iska-caabin xooggan, kadibna ay duqeyn ka geesteen deegaanka, oo la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyaal sare oo katirsan Al Shabaab.

Tooratoorow, oo qiyaastii 110KM uga beegan dhanka Galbeed magaalada Muqdishu ayaa waxaa duqeeyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka, kadib iska horimaad  mudo saacad dhexmarayay ciidamada dowladda iyo kooxda Al Shabaab

Dadka deegaanka waxay sheegeen in 3 hogaamiye oo kamid ah Al Shabaab lagu dilay weerarkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in  labo Gantaal lagu dhuftay guri ay daganaayeen horjoogayashan oo aan wali la shaacin darjadooda iyo waxyaabaha ay qaabilsanaayeen.

Muddooyinkii dambe waxaa Koonfurta Somalia ka dhacayay duqaymo iyo howlgallo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa kasocda dalka Maraykanka, waxaana inta badal lala eegtaa goobo qorshaysan oo ay ku suganyihiin horjoogayaal katirsan xarakada Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM