Somalia: Horjooge katirsan Shabaab oo Muqdishu lagu qabtay

Image

MUQDISHU- Howlgal ciidanka nabad sugidda Somalia kasameeyeen magalada Muqdishu ayaa lagusoo qabtay horjooge la sheegay inuu katirsanyihiin ururka Al-Shabaab kaasi oo aan lasoo caddayn magaciisa iyo shaqada uu qaabilsanaa. 

Ninkan ayaa laga soo qabtay hotel ku yaalla suuqa Bakaaraha, waxaana lasocday Shabakad kale oo ururkaasi katirsan kuwaasi oo ilaa hadda lahayn tiraradooda. Balse, hay'adda NISA ayaa sheegtay in horjoogaha la qabtay horay madaxiisa ladul dhigay lacag badan, waxayna tilmaameen inay dhawaan soo bandhigi doonaan xogtooda. 

Qabashaada horjoogahan, ayaa yimi xilli magalada Muqdishu inta badan ka dhacaan falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorshaysan kuwaasi oo ay gaystaan ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM