Somalia: Horjooge katirsan Shabaab oo Muqdishu lagu qabtay

Image

MUQDISHU- Howlgal ciidanka nabad sugidda Somalia kasameeyeen magalada Muqdishu ayaa lagusoo qabtay horjooge la sheegay inuu katirsanyihiin ururka Al-Shabaab kaasi oo aan lasoo caddayn magaciisa iyo shaqada uu qaabilsanaa. 

Ninkan ayaa laga soo qabtay hotel ku yaalla suuqa Bakaaraha, waxaana lasocday Shabakad kale oo ururkaasi katirsan kuwaasi oo ilaa hadda lahayn tiraradooda. Balse, hay'adda NISA ayaa sheegtay in horjoogaha la qabtay horay madaxiisa ladul dhigay lacag badan, waxayna tilmaameen inay dhawaan soo bandhigi doonaan xogtooda. 

Qabashaada horjoogahan, ayaa yimi xilli magalada Muqdishu inta badan ka dhacaan falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorshaysan kuwaasi oo ay gaystaan ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM