Somalia: ​Jadwalka doorashada guddiga iyo madaxda oo is-khilaafsan

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa shalay 07 Augusto, 2016 soo baxay labo jadwal oo kala duwan kuwaasoo ku saabsanaa qaabka loo galayo doorashada iyo sida loo kala hormarin doono, waxaa labo jadwal soo kala saaray madaxda shirka uga socdo magaalada Muqdishu iyo guddiga Hirgalinta doorashada dadban ee dhici doonta 2016.

Jadwalka dhinaca madaxda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha ay qabsoomi doonto 07 November.

Halkan ka akhriso Jadwalka kasoo baxay shirka madaxda ee kasocda magaalada Muqdishu. Riix harlkaan 

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Hirgalina doorashooyinka ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay magaalada Muqdishu ku sheegay in doorashada madaxweynaha dhici doonto 30 October. Halkan ka Akhriso

Lama oga sababta keentay soo saarista labada Jadwal ee is-khilaafsan, wuxuuna kusoo beegmay xilli maalintii shalay shir wada qaateen madaxda dowladda Federalka, maamullada madaxda ka ah dowladda dhexe iyo guddigan.

Guddoomiyaha Guddigan  Cumar Maxamed Cabdulle ayaa ah nin uu soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ahaa la taliyihiisa dhinaca siyaasadda.

Madaxda shirsan ayaa horay kansalay jadwal doorasho oo kasoo baxay shirkii madasha ee ka qabsoomay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Somalia ayaa aaminsan in arrinta khal-khal galin karto doorashada iyodoo dhalin karta muran siyaasadeed iyo in lagu jaah wareero waqtiga rasmiga ah ee doorashadu dhici doonto xilli lagu siyaadiyay labo bilood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM