​Somalia: Maalinta dhalinyarada oo la xusay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb galay munaasabad loogu dabaal dagayo 15 May oo ah maalinta loo asteeyay dhalinyarada Somaliyeed islamarkaana ku beegnayd 73-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay ururkii gobonimo doonka ee SYL.

Maalintan ayaa laga xusay meelo badan oo kamid waddanka Somalia, waxaana la qabtay dabaal dagyo qaab wanaagsan loo soo agaasimay, iyadoo la sameeyay tartanno loo qaybtay dhalinyaradii ka qayb gashay.

Madaxweynaha Somalia oo khubad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magalada Muqdishu, wuxuu uga hadlay doorka dhalinyaro ku leedahay hormarinta waddanka iyo qaabka loo samayn karo hami la mid ah kuwii ay sameeyeen 13-kii dhalinyaro ee xornimada dalka ka qayb qaatay.

“Maanta waxaan dib u xusuusaneynaa doorkii waddaninimo iyo geesinimadii ay muujiyeen dhalinyaradii SYL oo halgan dheer u galay sidii waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga. Waxaa maalintan ay ina xusuusineysaa in loo baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si aan uga dhabeyno riyadii geesiyaashii SYL. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed iyo keygaba waxaan shacabka ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo nabadeynta, dib u dhiska iyo wadajirka Soomaaliya,’’Aayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaabaddan awgeed ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdishu.

Dhinaca kale, waxaa xusas kuwaasi la mid ah lagu qabtay magaalada Garowe iyadoo tartan orod dheer ah loo sameeyay dhalinyarada ku dhaqan caasumadda.

Sannad walba maalinta oo kale ayaa laga xusaa Somalia iyadoo dhalinyarada lagu wacyi galiyo inay ka qayb qaataan hormarinta waddanka, waxaana lagu booriyaa inay ku daydaan dhalinyaradii ka qayb qaataan xorayntii dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM