​Somalia: Madax aadday dalka Turkiga

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Turkiga gaar ahaan Istambul, waxayna ka qayb galayaan shir looga hadlay arrimaha Somalia gaar ahaan hiigsiga 2016. 

Wafdiga Xasan Sheekh Maxamud, waxaa kamid ahaa Xildhibaano, Wasiirro iyo saraakiil kale, waxaana kasii horeeyay Ra'isal wasaare Sharmake iyo mas'uuliyiin lasocota. Dhinaca kale, waxaan dalkaasi u amba-baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, halka madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed lasoo sheegayo inay dhawaan tagi doonaan.

Shirkan ayaa lafilayaa inuu barri furmo, waxaana diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashada Somalia, balse waxaa shaki lagalinayaa Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hadda kusugan xarunta Ethopia. 

Kulanka Istambuul ayaa dabasocda shirarkii ka dhacay Somalia ee looga hadlay habraaca doorashada waddanka, waxaana natiijadii kasoo baxday qadacday Puntland oo sheegtay inaysan ku qanacsanayn in dib loogu laabto nidaamka wax ku qaybsiga beelaha.

Ilaa hadda majirto go'aan rasmi ah oo Puntland kasoo baxay kaasoo kusaabsan shirka Istambuul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM