​Somalia: Madaxweynaha oo la kulmay wafdiga QM

Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta magalada Muqdishu caasumadda Somalia soo gaaray wafdi kasocda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa gaar ahaan golaha ammaanka, waxaana caasumadda Somalia kusoo dhaweeyay madaxda dalka iyagoo kulan la qaatay.

Shirkan ayaa dhexmaray xubnaha safarka ku yimi Muqdishu, madaxweyne Xasan Sheekh, Ra'isal wasaare ku-xigeenka xukuumadda iyo mas'uuliyiin kasocday labada gole ee dowladda.

Kulankan ayaa ku saabsanaa is xogwaraysi iyo kala warqaadasho ku aadan arrimaha ka socda Somalia iyo halka uu ku dambeeyay hishiiskii dhawaan ay wada qaateen dowladda dhexe iyo maamullada qaybta ka ah Federalka.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen doorashada Somalia iyagoo codsaday in waqtigii lagu hishiiyay dalka isbadal ka dhaco islamarkaana la fuliyo hishiiska hannaanka doorashada.

Arrimaha ammaanka ayay isla soo qaadeen, waxayna saraakiisha matalayay Qaramada Midoobeen dowladda wax ka weydiiyeen howgalka lagula jiro kooxda Shabaab.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo xubnahaasi warbixin siinayay, ayaa sheegay in dalka waqtigii lagu hishiiyay doorasho ka dhici doonto, halka ammaanka uu xusay inuu wanaagsanyahay islamarkaana si fiican u socdaan weerarada ka dhanka ah Shabaab.

Xasan, ayaa golaha ammaanka Qaramada Midoobay ka codsaday inay taageero buuxda siiyaan Somalia si looga gudbo marxaladda kala guurka ah.

Dhinaca kale madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha Somalia, ayaa maanta hortagay Barlamanka, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh  khudbad dheer oo uu jeediyay qayb ka mid ah ku dalbaday in Xildhibaanadu dadajiyaan ansixinta hishiiska hannaanka doorashada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM