​Somalia: Mallayshiyaad gudaha u galay Jaamacadda SIMAD

Image

MUQDISHU, Somalia- Maamulka Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa xaqiijiyay inay xaruntooda soo galeen rag hubaysan oo ku labisnaa dharka ciidamada qalabka sida ee dalka.

Raggan ayaa la sheegay inay jaamacadda gudaheeda ka dhex rideen xabado, taasoo kaliftay inay Ardaydii halkaasi ku sugnaa darbiyada ka boodaan.

Waxaa la sheegay inay tiro ahaan nimanka weerarka soo qaaday gaarayeen ilaa 6 askari, kuwaasoo Ardayda ka qaatay agabkii ay siteen gaar ahaan Taleefoonadd gacanta.

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, Daahir Xasan Cabdi (Carab), oo dhacdadaas kadib la hadlay VOA ayaa sheegay in raggaas argagax ku rideen Ardayda waxbarashada ku jirtaa oo xilliga weerarku dhacay aan ku jirin wax xiisad ah, waxuuna intaas ku daray usoo gurmadeen ciidamada Booliiska degmada War-dhiiglay.

Carab, ayaa xusay inaysan ogayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen markii dambe, waloow uu tilmaamay inay u yimaadeen Saraakiil katirsan ciidamada Booliiska kuwaasoo u ballanqadaay inay raad goobi doonaan shakhsiyaadka falkaasi ku kacay.

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale xusay in jaamacaddu aysan lahayn wax ilaalo hubaysan sidaas awgeed aysan samayn wax is-difaacid ah.

Waxaa caado ahayd in bannaanka hore ee Jaamacadda inta badan lagu furto taleefoonnada iyo Computarrada.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli magaalada Muqdishu noqotay mid amnigeedu faraha ka baxday, waxaana inta badan weeraro gaysata kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM