​Somalia: Marka oo kusoo laabtay gacanta dowladda

Image

MARKA- Wararka aan ka helayno degmada Marka gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika la wareegeen gacan ku haynta xarunta gobolkaas, kadib saddex bari oo ay ku jirtay gacanta Al-Shabaab. 

Lawareegistan, ayaa timi markii dagaal xooggan galinkii dambe shalay ka dhacay deegaanka Buufow oo ku dhaw Marka, waxaana dagaalkaas uu dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. Lama shaacin tirada rasmiga ah ee ku dhimatay iska hor-imaadkaas, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Goob joogayaal aan xiriir kala duwan la samaynay, ayaa kusoo waramaya in ciidamda gacanta ku dhigay magalada ay wateen gaadiid dagaal oo aad u tiro badan islamarkaana gacanta ku hayaan dhammaan magalada. 

Xaaladda ayaa lasoo warinayaa inay dagantahay, dadkii ka gaxayna dib u soo laabanayaan, marka laga reebo dadka kasoo jeeda qabiilka Biyo-Maalka kuwaasoo oo cudud iyo dhaqaalaba ku taageeray mallayshiyaadka Shabaab.

Lama garan karo sababta ay ku taageereen, balse waxaa xusid mudan in qabiilkan daga gobolka Shabeellaha hoose horay u dhaleeceeyeen dowladda Somalia iyagoo ku eedaynaya dagaallo gobolka ka dhacay. 

Magalada Marka ayaa kamid ah goobaha muhiimka ee dowladdu maamulaysay mudooyinkii dambe, balse dib ula wareegeen ururka Shabaab xilli ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladduba kabaxeen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM