Somalia: Masaajid hub laga helay Muqdishu

Image
Image
Image

31 December, 2015(GO)-Baaritaano laga sameeyay qaybo ka mid ah magalada Muqdishu gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa ciidanka amnigu heleen hub lagau kaydinayay Masaajid ku yaalla degmadaasi.

Howlgalka ayaa suurta galiyay in la helo hub waawweyn oo ay ka midyihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo kuwa garabka laga gano.

Wasiirka amniga gudaha iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hawlgalka kadib halkaasi kormeer ku tagay masaajidka laga helay hubka, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan baaritaanka.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed wasiirka aminga gudaha ee dowladda Fadaraalka Somalia oo la hadlay Saxaafadda ayaa ku amaaanay Ciidanka Boliiska dadaalka u galeen inay soo qabtaan hubkaasi.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa xaqiijiyay in hubkan ay leeyihiin ururka Al-Shabaab islamarkaana qorshaynayeen weeraro ka dhaca magalada Muqdishu.

Laamaha amnigu ma caddayn in hubkaas loo soo qabtay shakhsiyaad lala xiriirinayo, balse waxaa warbaahinta loo soo bandhigay waxyaabaha gacanta ku dhigeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM