Somalia oo lacag ka heshay Sucudiga markey xiriirka u jartey Iran

Image

Jan 17,2016 (REUTERS + GO)-Somalia ayaa tageero dhaqaale oo gaareysa $50 million ka heshey wadanka Sucuudiga isla-maalintii ay xiriirka u jartey Iran sidaas waxaa cadeynaya qoraal uu arkey warsidaha Reuters.

Dowlada Somalia ayaa beenin islamarkaana aan rumeyn jiritaanka lacagtaan iyadoo meesha ka saartey in wax xiriir ah ka dhexeeyo jarista xiriirka dalka Iran iyo lacagtaan loogu deeqey. Wasaarada arrimaha dibada Sucuudiga ayaa wax jawaab ah ka bixin su'aal laga waydiiyey jiritaanka warkaan.

Dukumentigaan oo safaarada Sucuudiga ku leeyahay wadanka Kenya u soo direy safaarada Somalida dalka Kenya ayaa waxaa ku qoran in dowlada Somalia la siinayo $20 million lagu tageerao misaaniyada halka $30 million lagu biixnayo dib u dhisada dalkaan dagaalada waxyeelada gaarsiiyeen dagaalada sokeeyo.

Labadaan lacagood ayaa ka imaanaya sanduuqa hurumarinta dalka Sucuudiga 'Saudi Development Fund' sida ku cad dukumentigaan oo ku taariikhyesan Jan 7,2016 kuna beegan maalintii dowlada Somalia xiriirka u jartey wadanka Iran.

Somalia ayaa xiriirka u jartey Tehran markii ay ku eedeysay iney faragalin ku sameysay arrimaheeda gudaha islamarkaana khatar galisay amaanka guud ee dalka.

Wasiirka maaliyada dowlada Federalka ayaa diidey inuu ka hadlo lacagahaan isaga oo sheegey in tageero walba oo laga helo wadankaas aysan ku xireyn xiriirka loo jarey Tehran.

"Xiriirkeenu waxaa uu ahaan mid soo jireen ah ma aha mid waqtigaan bilowdey" ayuu yiri wasiirka maaliyada isaga oo la hadlaya Reuters.

Bixinta lacagtaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowlada Somalia isu diyaarineyso doorashooyin kuwasoo ila hadda la isku afgaran waayey qaabka lagu soo xulayo xildhibanada Barlamanka Federaalka.

Madaxweynaha dowlada Somalia ayaa booqasho uu snadkii hore ku tagey dalka Sucuudiga la kulmey boqorka dalkaas Salman bin Abdul Aziz al-Saud isaga oo kala hadley in tageero dhaqaale siiyaan. Wafti ka socda dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale booqdey Somalia dabayaqadii sanadka 2015.

WAKAALADAHA +GAROWEONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM