​Somalia: Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia- Qarax lagu diyaariyay goob inta badan isugu yimaadaan ciidamada Canshuurta aruuriya oo katirsan dowladda Federalka Somalia, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdishu, waxuuna sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal halkaasi ku sugnaa.

Ugu yaraan 4 qof, ayaa ku dhimatay Qaraxaasi oo kusoo beegmay xilli maanta caasumadda Somalia ka furmay Shir wayne looga hadlayo Doorashooyinka 2016.

Capt. Faarax Xuseen, oo Sarkaal Booliska dowladda Somalia katirsan  ayaa GO u xaqiijiyay in Qaraxa ay ku dhinteen 4 qof, oo labo Haween ahaayeen, halka 2 kale rag yihiin, kuwaasi oo ku sugnaa Goobta uu Weerarka ka dhacay.

"Waxaan kuu xaqiijin karaa inay ku geeriyoodeen Qaraxa 4 qof, Hooyo, Gabadheeda iyo Labo Nin oo kale kuwaasi oo ku jiray Goob Maqaaxi ah oo ku taallo Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Daawada," ayuu yiri Faarax.

Ma jirto Cid sheegatay Mas'uuliyadda weerarkaasi ka dhacay Suuqa Bakaaraha, oo ah meel aad u mashquul badan, balse waxa uu qeyb ka yahay Qaraxyada ka dhacaya Muqdisho ee Kooxda Al shabaab fuliso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM