Somalia: Shaqaale loo qaadayo Sacuudiga oo la diiwaangalinayo

Image

MUQDISHU- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Federalka Somalia Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa'id ku qabtay caasumadda Somalia ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda Somalia bilaabayso diiwaangalinta shaqaale loo qaadayo boqortooyada waddanka Sacuudiga.

Mudane Libaax, wuxuu xusay in arrintaasi loo xilsaaray shirkado gooni ah islamarkaana la qaadi doono cadad gaaraya 2-kun oo ruux, kuwaasi oo isugu jiray Caafimaad, Xoogsato, Darawallo iyo kuwa kale.

Wasiirku, wuxuu xusay in arrintaasi qayb ka tahay hishiis dhexmaray dowladda Somalia iyo boqortooyada Sacuudiga, isagoo xusay inay si siman dadkaasi looga qaadi doono gobollada dalka Somalia.

Dhawaan ayay ahayd markii la shaaciyay haween Somaliyeed oo shaqaale ahaan loogu qaadayo dalkaasi, waxaana aad ugu soo horjeestay mujtamaca waddanka iyagoo u arkay inaysan ahayn arrin diiniyan bannaanka islamarkaana munaasab ku ahayn dhaqanka Somalia.

Hase ahaatee, waxaa arrintaasi difaacay madaxweyne Xasan oo xusay inay gabdhaha Somaliyeed tahriibaan, shaqana ka doontaan dalalka shisheeye.

Sacuudiga, ayaa lagu tiriyaa dalalka lagu dhibaateeyo dadka ajaanibka ah ee shaqooyinka kala duwan ka haya waddankaasi, balse dowladdu waxay xusaysaa inay damiin haystaan islamarkaana aan la dhibaatayn doonin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM