Somalia: Shaqaale loo qaadayo Sacuudiga oo la diiwaangalinayo

Image

MUQDISHU- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Federalka Somalia Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa'id ku qabtay caasumadda Somalia ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda Somalia bilaabayso diiwaangalinta shaqaale loo qaadayo boqortooyada waddanka Sacuudiga.

Mudane Libaax, wuxuu xusay in arrintaasi loo xilsaaray shirkado gooni ah islamarkaana la qaadi doono cadad gaaraya 2-kun oo ruux, kuwaasi oo isugu jiray Caafimaad, Xoogsato, Darawallo iyo kuwa kale.

Wasiirku, wuxuu xusay in arrintaasi qayb ka tahay hishiis dhexmaray dowladda Somalia iyo boqortooyada Sacuudiga, isagoo xusay inay si siman dadkaasi looga qaadi doono gobollada dalka Somalia.

Dhawaan ayay ahayd markii la shaaciyay haween Somaliyeed oo shaqaale ahaan loogu qaadayo dalkaasi, waxaana aad ugu soo horjeestay mujtamaca waddanka iyagoo u arkay inaysan ahayn arrin diiniyan bannaanka islamarkaana munaasab ku ahayn dhaqanka Somalia.

Hase ahaatee, waxaa arrintaasi difaacay madaxweyne Xasan oo xusay inay gabdhaha Somaliyeed tahriibaan, shaqana ka doontaan dalalka shisheeye.

Sacuudiga, ayaa lagu tiriyaa dalalka lagu dhibaateeyo dadka ajaanibka ah ee shaqooyinka kala duwan ka haya waddankaasi, balse dowladdu waxay xusaysaa inay damiin haystaan islamarkaana aan la dhibaatayn doonin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Infantino: FIFA Waxba Kama Qaban Karto Kiiska Cumar Cartan

Cumar Cartan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan isboortiga Soomaaliya isla markaana ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee CAF 2025.

  • Soomaliya

    11-06-2026

  • 12:21PM

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM