Somalia: Shariif Xasan oo gaarey Xudur

Image

XUDUR: Madaxweynaha Koofur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaarey magaalada Xudur ee xarunt Gobolka Bakool si uu ugu kuurgalo xaaladaha gobolkaas.

Xaaladda amniga ee degmada Xudur ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana soo dhaweyey Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo wafdi uu hogaamimnayo qaybaha kala duwan ee shacabka gobolkaas.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Koonfur-galbeed.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in uu tababbar u soo xiri doono cutubyo ka tirsan ciidamada darawiishta ee maamulka Koonfur galbeed, kuwaasi oo ka qeyb qaadan doono howlgallada ku wajahan Al-Shabaab.

Safarka Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto cabsho kasoo yeeraysa degaamo ka tirsan maamulkiisa kuwaasoo dhowaan ku dhawaaqey maamulk ka madax banaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM