Shirka madaxda Somalia oo burburey.

Image

MUQDISHU- Kulan galabta isugu yimaadeen madaxda Somalida iyo beesha caalamka ayaa burburey kadib markii la isku khilaafey qaabka loo dhisi doono barlamanka Somalia sanadkaan dabayaqadiisa.

Kulankaan ayaa markii hore waxaa furey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh isagoo ku timaamey in shirkii magaalada Kismayo ku soo dhamaadey guul iyadoo lagu heshiiyey in aqalka hoose ee Barlamanka lagu soo dhiso 4.5 halka aqalka sare maamulada dalka jka ira si siman u qaybsanayaan balse Puntland iyo Somaliland loogu daro min sadex xubnood xildhibaanada madaama gobolo badan hoos yimaadaan.

Arinkaan ayaa waxaa ka jawaabey madaxweynaha maamulka Galmudug oo sheegey ineysan aqbaleyn in sadex xubnood loogu daro Puntland iyo Somaliland halka madaxweynaha Puntland iyo Jubaland gabi ahaanba ku gacan sayreen soo jeedinta Xasan Shiikh.

Somaliland ayaan ka qayb galin wadahadalkaan iyadoo magaalada Muqdishu ku sugan yihiin dad kasoo jeeda goboladaas kuwasoo kamid ah golayaasha dowlada.

Wadahadalka galabta ayaa dib dambe loogu balamin iyadoo wararka qaar sheegayaan in beesha caalamka siisey madaxada Somalida labo maalmood oo kale iney farqigooda ku soo yareeyaan.

Madaxweynaha Puntland oo maalintii shaley kula kulmey xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa hoosta ka xariiqey ineysan ka tanaasuleen mowqofkooda ku aadan in Barlamanka Somalia lagu soo xulo nidaamka degmooyin.

GAROWEONLINE kala soco wararkii ugu dambeeyey ee kulamada Muqdishu uga socda madaxda Somalida.

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM