​Somalia: Taliye loo magacaabay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Image

MUQDISHU, Somalia- Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra'isal wasaaraha xukuumadda Federalka Somalia ayaa lagu magacaabay taliye cusub oo ay yeelato hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka kadib markii mas'uulkii booskaas joogay loo badalay hay'adda nabad sugidda iyo Sirdoonka.

Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Koofi ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha isagoo badalaya Gaafoow oo xilkaasi muddo kabadan 10 sano hayay.

Gaafoow ayaa madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud u magacaabay inuu noqdo taliyaha hay'adda nabad suggidda iyo sirdoon kadib markii uu booskaas ka qaaday Cabdiraxmaan Tuuryare.

Wareegtadan oo uu soo saaray Ra'isal wasare Cumar ayaa lagu sheegay in ninkan uu yahay shakhsi aqoon u leh jagadaas.

Koofi ayaa horay usoo noqday taliyha nabad suggidda gobolka Banaadir isagoo sidoo kale mar xilka kasoo qabtay madaxtooyada islamarkaana ahaa taliyaha ilaalada, wuxuuna wax kusoo bartay waddanka Suudaan.

Dadka aqoonta u leh Gaashaanle Koofi ayaa ku waramaya inuu yahay nin aad u af-gaaban islamarkaana kasoo bixi kara booska loo dhiibay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu xilkiisa la wareego.

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM