Wafdi kasocda Jabuti oo gaaray Baladweyne

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BALADWEYNE- Waxaa maanta magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan gaaray wafdi uu hogaaminayo danjiraha dalka Jabuti u fadhiya Somalia, Dayib Dubbad Rooble, waxaana wehelinayay saraakiil katirsan ciidanka dalka ee Somalia nabad ilaalint au jogaa. 

Soo dhaweyn ayaa loogu sameyay Baladweyne iyagoo kawarbixiyay ujeedka safarkooda, waxayna shegeen inay u socdeen labo qorshe oo midkood ahaa dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe. 

Wakiilka waddanka Jabuti Dubad Rooble, ayaa sheegay in Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuti ka go'antahay qaabkii wax looga badali lahaa amniga Somalia islamarkaana kor loogu qaadi lahaa hormarka iyo kala dambaynta. 

Wuxuu sheegay inay sidoo kale u kuurgali doonaan xaaladda ciidamooda kusugan gobolka Hiiraan. 

Dalka Jubuti, ayaa kamid ah waddamada ciidamadoodu joogaan Somalia ee qaybta ka ah AMISMO, waxaan booqashada Hiiraan kusoo beegmaysa xilli hakad uu kujiro dhismaha maamul loo sameeyay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waloow uu hakad galay kadib khilaafaad hareeyay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM