​Somalia: Wasiir beeniyay amarka Xildhibaanada lagu baarayo

Image

MUQDISHU- Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Federalka Somalia, Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa beeniyay amar dhawaan soo baxay kaasoo lagu baarayo Xildhibaanada Somalia, wixii ka dambeeyay qaraxii dhawaan lala beegsaday diyaaradda Daalo. 

Cabdirasaaq oo hortagay Barlamanka Somalia, ayaa go'aankaasi iska fogeeyay isagoo tilmaamay inuu dalka ka maqnaa, balse wuxuu arrin khaldan ku sifeeyay tallaabadan maadaama sida uu sheegay xasaanad leeyihiin Xildhibaanadu. 

Qaar kamid ah mudanayaasha Barlamanka Somalia, ayaa su'aalo weydiiyay, waxayna usoo jeediyeen inuu baneeyo xilka isaga taliyaha ciidamada nabad sugidda Somalia, maadama ay ku fashilmeen wax ka qabashada amniga. 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusman Jawari, ayaa 24 saac u qabtay inuu golaha shacabka ku yimaado wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Cabdisalaam Hadliye, si wax looga weydiiyo arrimaha caalamka. 

Qorshahan, ayaa yimi kadib markii qaar kamid ah xukuumadda Somalia looga yareeyay xarunta golaha shacabka kuwaasi oo wax laga weydiiyay shaqooyinkooda. 

GAROWEONLIN

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM