​Somalia: Wasiir beeniyay amarka Xildhibaanada lagu baarayo

Image

MUQDISHU- Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Federalka Somalia, Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa beeniyay amar dhawaan soo baxay kaasoo lagu baarayo Xildhibaanada Somalia, wixii ka dambeeyay qaraxii dhawaan lala beegsaday diyaaradda Daalo. 

Cabdirasaaq oo hortagay Barlamanka Somalia, ayaa go'aankaasi iska fogeeyay isagoo tilmaamay inuu dalka ka maqnaa, balse wuxuu arrin khaldan ku sifeeyay tallaabadan maadaama sida uu sheegay xasaanad leeyihiin Xildhibaanadu. 

Qaar kamid ah mudanayaasha Barlamanka Somalia, ayaa su'aalo weydiiyay, waxayna usoo jeediyeen inuu baneeyo xilka isaga taliyaha ciidamada nabad sugidda Somalia, maadama ay ku fashilmeen wax ka qabashada amniga. 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusman Jawari, ayaa 24 saac u qabtay inuu golaha shacabka ku yimaado wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Cabdisalaam Hadliye, si wax looga weydiiyo arrimaha caalamka. 

Qorshahan, ayaa yimi kadib markii qaar kamid ah xukuumadda Somalia looga yareeyay xarunta golaha shacabka kuwaasi oo wax laga weydiiyay shaqooyinkooda. 

GAROWEONLIN

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM