Somalia: Wasiirka Amniga Gudaha "Is-ma casilayo, mana ahi murashax"

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, ayaa maanta ka hadlay warar dhawaan ay qoreen warbaahinta gudaha, kuwaasoo sheegay inuu iska casilayo jagada uu hadda hayo.

Cabdirasaaq Cumar Maxamed, oo la hadlay Wakaaladda Wararka Somaliyeed ee SONNA, ayaa ganafka ku dhuftay wararkaasi, wuxuuna meesha ka saarayo inuu yahay murashax raadinay madaxweynaha maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

“ Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, musharax u taagan in uu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe-na ma ahi, mana danaynayo hadda, wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog bay qoreen,”Ayuu yiri Wasiirku.

Cabdirasaaq, ayaa intaas ku daray, inaysan haboonayn faafinta waxyaabo aan sal iyo raad lahayn.

Hadalka wasiirka ayaa yimid xilli ay jiran mas'uuliyiin badan oo u hanqal taagaya qabashada hogaanka maamulka aan wali dhismin ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM