​Somalia: Wasiirkii Boosta oo xilka laga qaaday

Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaaraha dowladda Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa xilkii ka qaaday wasiirka wasaaradda Boosta iyo isgaarsiinta xukuumadda Guuleed Xuseen Qaasim, waxaana booskaasi lagu badalay Maxamed Jaamac Mursal.

Guuleed ayaa xilkaasi hayay 14 bilood, waxaana arrintan todobaad laga hadal hayay magalada Muqdishu, iyadoo xalay kulan Cumar Cabdirashiid uu la qaatay golaha xukuumadda ku wargaliyay tallaabadaasi.

Lama caddaynta sababta xilka looga qaaday, balse waxaa lagu badalay nin ay isku hayb yihiin kaasoo la sheegay inay aad isugu dhawyihiin madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Somalia ayaa xogaha aan helayno sheegayaa inay Cumar Cabdirashiid ka munaaqashoodiin xilka qaadistan.

Wareegta kasoo baxday Ra'isal wasaare Cumar ayaa sidan u qornayd;

Markii uu arkay qodobka 97 faraqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka.

Markii uu arkay; xeer madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Markii uu arkay ; baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

Wuxuuna xilkaasi u magacaabay Maxamed Jaamac Mursal iyadoo laga qaaday jagadaasi Guuleed Xuseen Qaasim

GAROWEONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM