​Somalia: Wasiirrada oo ansixiyay sharci

Image

MUQDISHU- Golaha wasiirada ee xukuumada Federaalka Somalia, ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Caddaaladda Cabdillaahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir”.

Kulanka, ayaa intuu socday, waxaa warbixino looga dhageystay wasarado kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey siyaasadda guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Somalia.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, oo warbixino ka jeediyay kulanka wasiirrada ayaa sheegay in Ciidamadda Qaranka howlgallo ka sameeyeen deegaano hoos-yimaada degmada Madahadaay, oo kamid yihiin, Ceel-baraf iyo Caadley ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaas oo horey ugu sugnaayeen ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxay ka warbixiyeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka oo ciidanka amnigu ka sameeyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo lagu fashiliyey falal amini darro oo ay maleegayeen kooxaha Argagixisada Somalia.

Golaha wasiirrada ayaa ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Somalia oo uu soo gudbiyey xafiiska Ra’iisul wasaaraha, sidaas ayaana lagu dhaqan galin doonaa Siyaasaddan cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM