Somalia: Wasiirrada Waqtigu ka dhammaaday oo qodobo kasoo saaray duqayntii gobolka Mudug

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Shir golaha wasiirrada Somalia ee waqtigoodu idlaaday ku yeesheen magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, waxay kaga hadleen duqayn labo maalin kahor ka dhacday Bariga xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo.

Duqayntaas ayaa dood xoog leh dhalisay, kadib markii Galmudug sheegtay in la weeraray saldhig ciidamadoodu ku sugnaayeen, inkastoo Maraykanka iyo Puntland si cad u tilmaameen in howlgalkaas lagu qaaday koox katirsan Al Shabaab oo isku aruursanaysay deegaano katirsan nawaaxiga Galkacyo.

Balse, waxaa arrintaasi maanta ka fariistay wasiirrada Somalia, waxayna la safteen dhinaca Galmudug iyagoo cambaareeyay weerarkii dhacay islamarkaana xukuumadda Washington ka codsaday inay faah faahin waafi ah ka bixiso duqayntii la fuliyay Habeenkii Arbacada.

Golaha xukuumaddu, waxay sheegeen inay sameeyeen Guddi wasiirro ah kuwaasoo loo xilsaaray inay baaraan dhacdada Galkacyo iyagoo tacsi u diray shacabka iyo maamulka Galmudug.

Waxay ku baaqeen in la dajiyo xiisad ay sheegeen inay u dhaxayso maamulka Puntland iyo Galmudug.

Duqayntan ayaa lamid ahayd mid diyaaradaha Maraykanku ka fuliyaan gobollo kamid ah dalka Somalia, kuwaasoo lala beegsado saldhigyo Al Shabaab ku suganyihiin.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KASOO BAXAY SHIRKII GOLAHA WASIIRRADA WAQTIGOODU DHAMMAADAY EE SOMALIA

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM