​Somalia: Wasiirro xilka la kala wareegay

Image

MUQDISHU- Magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ayaa lagu qabtay munaasabad xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee wasaaradda Boostada iyo is-gaarsiinta dowladda Federalka Somalia iyo mas'uulka dhawaan loo soo magacaabay.

Kulankaasi, waxaa ka qayb galay Ra'isal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia iyo xubno kale oo dowladda katirsan.

Wasiirkii hore ee xilka laga qaaday Guuleed Xuseen Qaasim, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka qaadistii Ra'isal wasaare Sharmaake ku sameeyay, wuxuuna tilmamay inuu la shaqayntood wasiirka cusub.

Maxamed Jamac Mursal oo xilka lagu wareejiyay, ayaa xusay in wasiirkii hore waxqabad muuqda sameeyay islamarkaana uu halkaasi kasii wadi doono, wuxuuna ka codsaday in mas'uulkii hore uu hayo khibrad ku aadan mudadii uu shaqaynayay, wuxuuna ka codsaday inuu wasaaradda ku kaabo.

25 April, 2016 ayay ahayd markii Cumar Cabdirashiid uu wasiirkaasi xilka ka qaaday iyadoo aan la caddayn sababta keentay, balse warar aan helayno ayaa xusay inay kalliftay gaabis dhanka shaqada ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM