​Somalia: Xasan Xanafi oo dil lagu xukumay

Image

MUQDISHU- Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Somalia, ayaa dil toogasho ah ku xukunta nin ku eedaysnaa dilal loo gaystay wariyaal Somaliyeed kaaso lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji.

Eedasanaha oo maanta la horgeeyay maxkamadda ayaa qirtay qaybo kamid ah dambiyada lagu soo oogay, waxaana goobta la keenay cadaymo ku saabsan dilal loo gaystay wariyaal ka howl gali jiray magalada Muqdishu.

Gudoomiyaha maxkamadda Xasan Nuur Cali Shuute” oo ku dhawaaqay xukunka Xanafi, ayaa tilmaamay inuu ku lug lahaa dilalka wariyaasha kala ah; Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharmaake, Saciid Tahliil Axmed, Mukhtaar Maxamed Hiraabe,Sheekh Nuur Abkeey  iyo kuwo kale.

Xanafi, oo ka hadlayay xukunka lagu riday, ayaa sheegay inuu ku qanacsanyahay, waxaana goobta cadaaladda joogay Wariyaal iyo xubno kasocday magalada Muqdishu.

Barnaamij bishii lasoo dhaafay ka baxay Telefishinka dowladda, waxaa lagu waraystay xukumahaasi, isagoo kaga warbixiyay dilal loo gaystay wariyaal qaabka ay u dhaceen iyo waxa uu ka ogaa.

Xasan Xanafi, oo kamid ahaa wariyaasha Muqdishu kuna biiray ururka Al-Shabaab, ayaa laga soo qabtay xadka Somalia iyo Kenya August ee sanadkii 2014 xilli uu qorshaynayay inuu u tahriibo waddamada Yurub qaybtood sida uu waraysi ku sheegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM