​Somalia: Xasan Xanafi oo dil lagu xukumay

Image

MUQDISHU- Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Somalia, ayaa dil toogasho ah ku xukunta nin ku eedaysnaa dilal loo gaystay wariyaal Somaliyeed kaaso lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji.

Eedasanaha oo maanta la horgeeyay maxkamadda ayaa qirtay qaybo kamid ah dambiyada lagu soo oogay, waxaana goobta la keenay cadaymo ku saabsan dilal loo gaystay wariyaal ka howl gali jiray magalada Muqdishu.

Gudoomiyaha maxkamadda Xasan Nuur Cali Shuute” oo ku dhawaaqay xukunka Xanafi, ayaa tilmaamay inuu ku lug lahaa dilalka wariyaasha kala ah; Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharmaake, Saciid Tahliil Axmed, Mukhtaar Maxamed Hiraabe,Sheekh Nuur Abkeey  iyo kuwo kale.

Xanafi, oo ka hadlayay xukunka lagu riday, ayaa sheegay inuu ku qanacsanyahay, waxaana goobta cadaaladda joogay Wariyaal iyo xubno kasocday magalada Muqdishu.

Barnaamij bishii lasoo dhaafay ka baxay Telefishinka dowladda, waxaa lagu waraystay xukumahaasi, isagoo kaga warbixiyay dilal loo gaystay wariyaal qaabka ay u dhaceen iyo waxa uu ka ogaa.

Xasan Xanafi, oo kamid ahaa wariyaasha Muqdishu kuna biiray ururka Al-Shabaab, ayaa laga soo qabtay xadka Somalia iyo Kenya August ee sanadkii 2014 xilli uu qorshaynayay inuu u tahriibo waddamada Yurub qaybtood sida uu waraysi ku sheegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM