​Somalia: Xasan Xanafi oo la toogtay

Image

MUQDISHU- Maxkamadda ciidamada qalabka sida Somalia ayaa maanta [Isniin 11 April, 2016], dil toogasho ah ku fulisay ninka loo haystay inuu ku lug lahaa qudh-gooyada wariyaal Somaliyeed, waxaana la qisaasay kadib markii 26-kii bishii hore la beeniyay racfaan uu ka qaatay maxkamadda darajada koowaad oo ku xukuntay toogasho.

Xasan Xanafi, ayaa saaka cadaaladda lagu mariyay xarunta iskuul Polizia halkaas oo 9 bishan lagu dilay labo ruux oo ka dambeeyay dilkii Wariye Hindia Xaaji oo katirsanayd warbaahinta dowladda Somalia.

Maxkadda, ayaa waarbaahinta u sharaxday xukunka xanafi waxayna sheegeen inuu ku cadyahay dambiyada lagu soo eedeeyay iyagoo xusay ciddii falkan oo kale lagu helo laga abaal marin doono.

Xanafi ayaa katirsanaa muddo kooxda Shabaab, wuxuuna qaabilsanaa qaybta dilalka wariyaasha, dabayaaqadii sannadkii 2014 ayay ahayd markii sirdoonka dalka Kenya kasoo qabteen dalkooda isagoo doonayay inuu u tallaabo waddamada reer galbeedka qaybtood.

Wuxuu qirtay qaar kamid ah dilalka wariyaasha xilli lagu waraystay xarunta nabad sugidda Somalia isagoo sheegay inuu dilay qaar kamid ahaa wariyaashii dhintay inkastoo iska fogeeyay eedaha qaybtood.

Labo jeer oo la geeyay maxkamadda sare iyo tan darajada koowaad 03-dii iyo 26-dii bishii March waxay ku xukumeen toogasho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM